Washington (Raxanreeb Online) Saraakiil Iran ah ayaa sheegaya in jawaabta Iran ay ka bixinayso weerarka Mareykanka ee saaka laga sugayo Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee |RAN Ayatulahi Cali Khumeyni, oo xariirkiisa ay dad yar hayaan, lana sugayo jawaabta.
Warbaahinta Iran ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay leeyihiin saraakiisha guddiga Amniga Qaranka, oo ay uga wada hadlayaan jawaabta Mareykanka, xili Ilaalada kacaanka ay sheegeen in hadafka 1aad yahay saldhigyada Mareykanka ee Barriga dhexe.
Qaar kamid ah saldhigyada Barriga dhexe ee kuyaala Khaliijka ayaa u jira Iran wax ka yar 400KM, taas oo ay gaari karaan gantaalada duqoobay ee ay xataa haysato Iran.
Leave a Reply