Duqeymo culus oo xalay laga fuliyay degmada Aadan Yabaal

Aadan Yabaal ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgallo culus oo xalay laga fuliyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa duqeymo diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, waxaana lagu burburiyay labo xarumood oo kooxda Al-shabaab  ay ku adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan  in mid ka mid ah xarumaha la beegsaday inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah.

Marka laga soo tago hadalka dowladda ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee duqeymaha ay geysteen.

Degmada Aadan Yabaal oo ah degmada Khadiimi ah, ayaa dowladda Soomaaliya gacanteeda ka baxday 19-kii bishii April, kaddib markii halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab, kaasi oo sababay in ciidamada dowladda looga qabsado degmadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.