Muqdisho (Raxanreeb online) – Markab wada Shixnad hub ah oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo taagnaa biyaha Muqdisho ayaa hadda dajintiisa laga bilaabay dekeda, iyadoo loo daabulayo keydad hubeed oo ay dawladda faderaalka leedahay.
Sidoo kale, hubkan ayaa qeyb ka noqonayo shixnado hub ah oo ay heshay dawladda Faderaalka, kaasoo ay bixiyeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca ammniga.
Hubkan ayaa iskugu jira hub mid ay dowladda Masar bixisay iyo kuwo, iyadoo hubab hore oo la keenay aan wali tixraac loo heynin sida loo isticmaalay.
Dhanka kale, Waxaa la joojiyey dhamaan howlihii dejinta iyo dhoofinta ee ka socday dekeda Muqdisho, iyadoo la fasaxay shaqaalaha rayidka muddo afar cisho ah
Jidka ka baxa dekeda Muqdisho ee taga Wasaaradda Gaashandhiga ayaa sidoo kale amaankiisa la xoojiyey, iyadoo meelaha qaar gaadiidka shacabka laga xiray.
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray maalmo ka hor dayuurado Holikobtar ah oo nooca wax duqeeya iyo Taangiyo oo dowladda Soomaaliya loogu deeqay.
Leave a Reply