Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland lagu xiray dalka Itoobiya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta keentay xarigga iyo muddada uu socon doono.
Wararku waxay tilmaamayaan in laamaha ammaanka ee Itoobiya ay xireen xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame ( Food) oo kamid ah saaxiibada madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ( Cirro).
Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Somaliland kama aysan soo saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo lagu caddeynayo sababta xarigga, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda xog dheeraad ah laga helo kiiskan.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid si dhow isha loogu hayo, isla markaana arrimaha siyaasadda iyo iskaashiga labada dhinac ay yihiin kuwo si weyn loo falanqeeyo.
Ilaa iyo hadda ma jiro war ramsi ah oo kasoo baxay golaha wakiilada Somaliland oo looga hadlayo xariga xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame.

Leave a Reply