Maxaa ka soo kordhay xaalada Deegaanka Qaayib ee Galgaduud ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo – kooxaha kacdoonka ayaa howlgal ay ku jabinayaan Al- Shabaab ka wada deegaano badan oo ka tirsan  gobolka galgaduud

Ciidanka ayaa la xaqiijinayaa in ay la wareegeen si nabad ah deegaanka Qaayib , halkaas oo in muddo ah ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab.

Qaayib ayaa kamid ah deegaanada Isteraatijiga ah ee ay ururka alshabaab ka heysteen gobalka waxaana qiyaastii 40 km ay u jirta degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caada-kibir, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Qaayib ayay Alshabaab maamulayeen in ka badan 6 sano, halkaas oo ay ku lahaayeen farriisimo waawayn.

Ka dib la wareegidda ciidanka deegaankaas waxaa halkaas ka bilowday howlgal amniga lagu sugayo , waxaana kulan sidoo kale ka yeeshay xaaladda saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.