Madaxweyne Deni Oo furay Kalfadhiga 51-aad Ee Baarlamaanka Puntland.

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxweynaha  maamul goboleedka  Puntland ayaa maanta  furey kalfadhigii 51aad ee golaha wakiilada Puntland.

Waa Kalfadhigii  8aad ee baarlamaanka shanaad ee Puntland yeesho, waxaana u harsan laba kalfadhi oo keliya muddo xileedkooda.

Kalfadhiga waxaa koormakiisu yahay 55 Xildhibaan taas oo ah mid ka badan kalfadhigii kan ka horeeyey ee bishii lixaad ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Puntland  u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.

Madaxweyne Deni wax su’aalo ah laguma weydiin furitaankii kalfadhiga, waxaana su’aal la weydiiyo ugu danbeysey sanadkii 2019 oo dhalisey caro aad u badan oo gil-gishey baarlamaanka

Kalfadhiga waxaa koormakiisu yahay 55 Xildhibaan taas oo ah mid ka badan kalfadhigii kan ka horeeyey ee bishii lixaad ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.