Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha Baarlamaanka labadiisa aqal iyo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Gudodomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isla gartay wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka dalka iyo ka howlgelida shuruucda muhiimka ah inta ka harsan kalfadhiga lixaad.
Leave a Reply