Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Soomaaliya, Danjire Nasr Mohamed Assanosi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga laba dal ee walaalaha ah, Soomaaliya iyo Liibiya. Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa fulinta heshiisyadii horey u dhexmaray labada dowladood, loona horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo arrimaha bulshada.
Danjire Nasr Mohamed Assanosi ayaa uga mahadceliyey Wasiir Cabdisalaam soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dowladda Liibiya. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku bixinayso xoojinta diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiir Cabdisalaam ayaa dhankiisa adkeeyey sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalka Liibiya, isaga oo muujiyey rajada laga qabo in labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan danahooda guud.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka carbeed iyo kuwa kale ee caalamka.
Leave a Reply