Maxaa la filaya in looga hadlay shirka dowladda iyo mucaaradka ee maanta ka furmaya Muqdisho?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midsan yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo golaha samatabixinta Soomaaliyeed ayaa goordhaw gaaray madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo la filayo inuu ka furmo shirka dowladda iyo mucaaradka.

Kulamadaan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha doorashooyinka, Abaaraha ka jira dalka, amniga gaar ahaan dagaalka Al-shabaab iyo Ilaalinta Midnimada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan kulan horudhac ah la yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Wada hadallo ayaa saacadihii la soo dhaafay socday xubnaha Golaha Mustaqbalka lagu qanciyay in ay ka qeyb galaan shirka ka qabsoomaya Madaxtooyadda Qaranka.

Sidoo kale Shirkan ayaa aad loo sugayaa natiijada ka soo baxda, waxaana horay u soo dhaweeyay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxaana la filaya in xubnaha ka qeyb galaya shirka ay diirada saraan arrimaha u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan looga jawaabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.