Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Xoogga Dalka ee Ceeldheer ku sugan ayaa looga digay in ay ridaan xabbado bilaa micno ah, xilli guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug uu gaaray halkaasi.
Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa sidoo kale ciidamada xoogga uga digay inay hubka ku dhex qaataan gudaha magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Digniintan ayaa la siiyay guutada Cumar Bin Khadaab ee ku sugan Ceeldheer, maadaama haddii ay hubka ku dhex qaataan shacabka ay muujineyso in ay aanay amni ahayn, kana bixineyso sawir muujinaya amni darro ay ka qaadanayaan dadka taga, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug.
“Magaalada inta ku taalla idinkey idinku jiiftaa iyo ciidanka kale ee kumaandooska Gorgor, hal xabo ayaan idinka rabnaa magaaladaan yaan qoryaha lala gelin,” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Abuukar.
Waxa uu intaas kusii daray “Haddii qoryuhu magaalada ka buuxaan qof kasta oo soo gasha waxa ay leedahay magaalada amni ma ahan.”
Sidoo kale ciidamada ammaanka degmada ayuu usoo jeediyay in keliya ay hubka heystaan, halka ciidanka kale looga baahan yahay in ay hubkooda la dhex joogaan xeryahooda.
“Waxaa ka dul qaadeen cadowgii iyo heeryadii dul tiilay, macnahooda in la dhibo ma ahan. Waa in aysan hubka la galin magaalada, si uu u muuqdo amniga ka jira magaalada, dadkana u dareemin culeys.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maxkamadda bilaabeyso dhageysiga kiis dhawaan ka dhacay xero ciidan oo ah in askari ka tirsan eowladda lagu dhex dilay isla xeradaasi.
“Sababihii u baxay iyo qofkii gacantiisa ku baxay laasim waa la qabanaa, maxkamadda ayaa waajibkeeda ka gudaneysa. Waqti aan dheereyn indhihiina ku arki doontaan mar haddii ay anaga nasoo gaartay oo goobtii nimid.”