Maxay tahay sababta Ciidamada Dowladda ay Isaga baxeen Degmada Galcad ?

Galcad ( Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda ayaa faarujiyay gabi ahaan Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaana soo baxaya dhowr su’aalood oo dul saaran sababta ciidamadaan loo saaray.

ilo Muhiim ah ayaa xaqeejiyay in Ciidamada Gorgor iyo Danab lagu amray inay dib uga baxaan Degmada Galcad oo dhawaan Dowladdu ay la wareegtay.

shalay Galcad waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ururka 52aad iyo dadka Deegaanka waxaana Markii dambe lagu amray inay ku laabtaan Deegaanka Cali Axmed ee Sh/dhaxe oo Markii Hore ay ka soo ruuqaansadeen waana arinta shakiga badan galisay dad badan, waxaana ka dib laga war helay in ciidamadii kale laga saaray Galcad.

Dowladdu ma waxay awoodi waysay inay sii xoojiso fadhiisimihii shalay Shabaab ay kula dagaashay, maxaasa fududeeyay in si fudud Looga baxo Galcad, Dowladda ayaa Laga rabaa su’aalahaan is dulsaaran jawaabteeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.