Xaaladda magaalada Muqdisho oo kacsan & waddooyinka oo xiran.

Xaaladda magaalada Muqdisho oo kacsan & waddooyinka oo xiran.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xaalada magaalada muqdisho oo kacsan wadooyinka waweyn oo ay ka socdaaan banaabaxyo waaweyn.

Shacabka ayaa  waddooyinka xirtay ka dib markii ciidankan amniga ay toogasho ku dileen Wiil oo dhalinyaro ah oo  moota bajaaj ku shaqeysanayay.

Ciidanka Dowladda Federaalka  ayaa sidoo kale isla maanta waxa ay dhawaceen ilaa sadax qof oo shacab ah taas oo xaalada ay ugu sii dartay .

Waxaa sii xooggaysanaya mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka shacabka ah iyo Bajaajlayaasha.

Ciidamada dowladda ee dilalka u geesanaya dadka shacabka ayaa sii kordhaya, waxaana maalmo kahor askar katirsan ciidanka dowladda dilal ugu geesteen degmooyinka Balcad iyo Xamar Weyne dad shacab ah, askartii dilalkaasi geesatay ayaana la dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.