Maxey kawada hadleyn hoggaamiye Aadan Madoobe iyo safiirka Qatar u fadhiya Soomaaiya ?

Muqdsiho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Binu Salem Al Nuaimi.

Danjiraha ayaa ugu horeyn u hambaliyeeyey Madaxweynaha la doortay Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Madoobe isagoo u rajeeyay guul iyo horumar inta uu hoggaaminayo Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dowladda Qatar iyo Dowladda Koonfur Galbeed gaar ahaan dardargelinta iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ka fuliso deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo taabanaya adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha shacabka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo ka faa’iideysta shacabka deegaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.