Maxey tahay qorshaha uu madaxweyne Xasan Sheekh u tagayo magaalada Jowhar ?

Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. ayaa ku wajahan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-shabeelle si uu u xarrig jaro mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay Magaaladaasi.

amniga Magaalada Jowhar, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Magaaladaas ku sugan wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo la sheegay in xarrig jarka Mashaariicda, waxaana la filaya in madaxweynaha uu kulamo la qaato madaxda Hir-shabeelle iyo waxgaradka gobolka.

Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hir-shabeelle, waxaa laga hirgeliyay Mashaariic kala duwan sida dhismaha Waddooyin iyo qaar kamid ah Xarumaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, waxaana haatan lagu wadaa in si rasmi ah loo xarrig jaro.

Safarka madaxweyne Xasan ee Jowhar, ayaa siyaasiyiinta qaar u arkay mid uu ku dhex-wato ololahiisa siyaasadeed ee doorashada, waxaana ay tilmaameen in madaxweynaha uu madaxda Hir-shabeelle, kala hadli doono in si dhaqso ah loo qabto doorashooyinka Qof iyo Cod ee deegaannada la gelinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.