Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilays Cismaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Qorshaha Istaraatiijiyadda 3-aad ee Caafimaadka Puntland 2026–2030.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa soo qayb galay golayaasha Dowladda, bahda caafimaadka, hay’adaha taageera caafimaadka, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ayaa sheegay in qorshahaan cusub uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada caafimaadka, kor u qaadista tayada daryeelka bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee Puntland. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay lagama maarmaanka u tagay wadashaqaynta Dowladda, hay’adaha taageerada iyo bulshada si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshaha iyo gaarista yoolalka la dejiyey.
Qorshahan cusub ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta maamulka caafimaadka, ballaarinta helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, iyo dhisidda nidaam caafimaad oo adkaysi leh, loo siman yahay, isla markaana waara.

Leave a Reply