Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa magacaabay taliyaha KMG ah ee ilaalada madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.
Warqad kazoo baxday xafiiska Aadan Madoobe, ayaa Gaashaanle Cabdiraxmaan Nishow Cali oo ahaa taliyihii ciidanka badbaadada ciidanka Koonfur Galbeed.
Cabdiraxmaan Nishow, ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidanka Federaalka iyo kuwa badbaadada koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo ka saaray madaxweynihii hor ee koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen).
Aadan Madoobe ayaa dhowaan doorasho ka dhacday Baydhabo loogu doortay hoggaamiyaha cusub ee koonfur galbeed 5 sanno ee soo socota.

Leave a Reply