Maxey tahay sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday safarkii Mareykanka ?

Maxey tahay sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday safarkii Mareykanka ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiray ka qeyb galka kulanka guud ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay isla markaana uu u shirguddoomin lahaa.

Kulanka golaha ayaa la filaya inuu caawa ka dhaco Xarunta Golaha ammaanka, balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday barafka xooggan ee Maraykanka ka da’ay oo sababay in la joojiyo duullimaadka in ka badan 10 kun oo safar.

Shir guddoominta madaxweynaha Soomaaliya ee fadhiga golaha ammaanka, ayaa ah mid la sugayay, Soomaaliya ayaa wacdaro ka dhigtay kursiga doorashada ku yimaado ee Golahaas iyada oo kasoo muuqatay dhowr kulan oo xasaasi.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa billowgii Bishaan Janaayo 2026 noqotay Shirguddoonka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maalmo kaddib waxaa ka idlaanaya muddada ay hoggaaminta haysato, waxa ay awood u haysataa in ay maamusho hannaanka shirka uu u socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.