Maxey tahay ujeedka uu guddoomiyaha golaha shacabka u tagay magaalada Baydhabo ?

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madobe iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji  iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada safarka wafdigan ayaa la xiriirta xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoggaamiye Jibrii, ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay qabsoomidda doorasho hufan, xor ah oo waafaqsan dastuurka, isla markaana ay soo dhoweynayso dhammaan musharraxiinta iyo daneeyayaasha siyaasadeed.

Sidoo kale guddoomiye Aadan Madoobe, ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka reer Baydhabo soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn, midnimo, iyo xasillooni siyaasadeed si loo xaqiijiyo horumar waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.