Maxey tahay ujeedka uu guddoomiyaha Hay’adda SoDMA u tagay magaalada Baladweyne ?

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay u tageen dardargelinta howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo saameynta la filayo ee El Niño.

Inta uu ku sugan yahay Beledweyne, Guddoomiyahu waxuu kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo Gobalka ee Hirshabeelle iyo qeybaha bulshada, isagoo sidoo kale booqan doona deegaannada ku dhow biyo-mareennada, si loo qiimeeyo xaaladda loona xoojiyo wacyigelinta bulshada.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa bulshada ugu baaqay in la furo lana nadiifiyo biyo-mareennada, si loo fududeeyo qulqulka biyaha loogana hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara. Sidoo kale, wuxuu bulshada ku boorriyay inay ka fogaadaan goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo khatarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.