Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaan Axmed Buux oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay duqeyn la sheegay in lagu beegsaday Taliye Shub, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay adeegsatay diyaaradaha Turkiga si loo fuliyo weerarka.
Xildhibaan Axmed Buux ayaa sheegay in duqeyntaasi ahayd weerar uu ku tilmaamay “argagixiso”, isagoo xusay in ujeeddadu ahayd in lagu khaarajiyo Taliye Shub.
“Weerar argagixiso oo lagu fuliyay diyaaradaha Turkiga ayuu ahaa duqeyntii lagu khaarajin rabay Taliye Shub, Xasan Sheekh-na wuu ka shalaayi doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Buux.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in tallaabooyinka noocan ah ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo dowladda ugu baaqay inay ka fogaato tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan iska horimaad iyo qalalaase.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan eedeymaha iyo hadallada siyaasadeed ee la xiriira howlgallada milatari iyo duqeymaha ka dhacaya qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu Xildhibaan Axmed Buux soo jeediyay, sidoo kalena ma cadda faahfaahinta iyo khasaaraha ka dhashay duqeynta uu xildhibaanku ka hadlay.

Leave a Reply