Maxkamadda CQS oo dil toogasho ah ku fulisay rag Muqdisho ka geystay dil iyo qaraxyo

Maxkamadda CQS oo dil toogasho ah ku fulisay rag Muqdisho ka geystay dil iyo qaraxyo

Muqdisho (Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxa ay  saaka xukun dil ah u fulisay Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed (Baari, Biibaaye, Sacad) oo loo haystay Dilal & Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Labadaan Xasan Cali ee saaka la toogtay waxaa horay loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, iyada oo dhagaysatay Eedaha ka dhanka ah ee xafiiska Xeer ilaalintu usoo jeedisay, Difaaca Qareennadooda waxaana ugu dambayn ku dhucay xukunkaas lagu fuliyay.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay fulisay xukunno dilal toogasho ah, waxaa weli xiran Dad isugu jira xubno ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-shabaab iyo Ciidamo dowladda ah oo horay dad u dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.