Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad safar kusoo rogtay Agaasimaha Wasaaradda G/ & Duulista

Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad safar kusoo rogtay Agaasimaha Wasaaradda G/ & Duulista

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo soo saartay xayiraad safar taasoo lagu soo rogay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Bashiir Macallin Cali, oo loo haysto eeydo musuq maasuq ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay inuu codsi uga yimid Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, oo ay tilmaantay inuu baaris ku hayo Hantidhowraha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Maxkamadda ayaa sii raacisay qoraalkeeda ninkani in loo haysto deeq lacageed oo ka timid dalka Shiinaha in uu musuq maasuqay taasoo maamulayay Agaasime Bashiir.

“Waxaa xayiraadda loo sababeeyay in xafiiska HG uu baaris ku haayo habka loo maareeyay deeq lacageed oo Safaaradda Shiinaha ka timid oo uu maamulay Bashiir Macallin Cali Xasan, ayna heleen xog ah inuu ka bixi rabo dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda warqadda kasoo baxday ayaa lagu sheegay inay aqbashay codsiga uga yimid Hantidhowrka ayna fulisay xayiraad safar kusoo rogtay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawada iyo Duulista Bashiir Macallin Cali.

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay fareeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, inay fuliso ammarka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir, ku socoto Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Waxay fareysaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay safarka ka joojiyaan Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, inta ay baarista socota” ayaa mar kale lagu yiri warqadda kasoo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Bashiir Macallin Cali Xasan, ayaa ka tirsan xisbiga UPD, ee Xasan Sheekh hoggaamiyo isagoona horey aad uga soo horjeeday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhaliili jiray.