Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaareysa maanta kiiska Sayid Cali

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaareysa maanta kiiska Sayid Cali

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah, ka gaarto kiiska xasaasiga ah, ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, oo u geeriyootay dab xooggan oo saameeyay jirkeeda oo idil.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay illaa iyo saddex fadhi ayaa maanta go’aan kama danbeys ah, ka soo saari doonta, iyadoo isha ku haayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa lasoo gabagabeeyay dooddii adkeyd ee u dhaxeeysay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayay eedeysane Sayid Cali, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyay la dhageeysanayay, ayaa maanta go’aan rasmi ah, kasoo saari doontaa maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Sayid Cali, ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayay xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday, horraantii bishii March.

Horay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Banaadir ninkan ugu soo xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku heshay falkaasi gubista xaaskiisa ah ee lagu soo eedeeyay.

Si kastaba hasa yeeshee, markan haddii Maxkamadda Racfaanka, ay Sayid Cali, ku xukunto dil toogasho ah, waxaa mar kale Sayid Cali, u furan, racfaan Maxkamadda Sare ah.