Cumar Cabdirashiid” DFS hadda ayay gacan qabasho leedahay”

Cumar Cabdirashiid” DFS hadda ayay gacan qabasho leedahay”

London (Raxanreeb ) Ra’iisulwasarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in muddo kordhinta uu sameystay Madaxwaynaha Jubbaland ay baalmarsan tahay sharciga .

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in go’aanka Axmed Madoobe gabi ahaanba uu muujinayo mid ka hor imaanaya rabitaanka shacabka deeganada Jubbbaland.

” Haddii aad maqasho muddo kordhin waa iyada oo la doonayo xukun maroorsi mana ah dhaqan Dimuqraadi ” ayuu yiri Ra’iisulwasarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo la hadlay TV-ga Universal.

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya hadda ay leedahay go’aan ah in ay diido wax ka socda maamulka Jubbaland , beri aysan suurtagal ahayn in ay wax ka qabto.

” Dowladdu kama aysan hadal beri waxa dhici doonta in maamulada kale sida Puntland , Galmudug iyo kuwa kaleba ay sameystaan muddo kordhin markaas miyay wax ka gaari kartaa waa maya ” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxaa uu ku soo hadal qaaday wareysigiisa Cumar Cabdirashiid in dalka uu ku jiro xaalad qatar ah haddii dadka Soomaaliyeed aysan ka tashan ay imaan oo doonaan dalka oo ay la wareegi doonaan duulal kale oo aan la aqoon.

” Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad adag waa in Soomaalida u istaagtaa haddii kale waa la qabsanayaa dalkan ” ayuu afka ku dhuftay Cumar Cabdirashiid oo ku sugan magaalada London ee Ingiriiska

Si kasta dhawaan Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa muddo sanad ah ku kordhistay mudada xil hayntiisa taas oo siyaasada dalka ku keentay culays dhinacyo badan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.