MD Xasan Sheekh oo ka degay Nairobi & Qorshahiisa Dalka Kenya

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qay galaya caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee dalka Kenya Williem Ruto.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa ka degay – magaalada Nairobi halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada caleema saarka Williem Ruto.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya Garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Berri ah ayaa la qorsheeynaa in la caleema saaro madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, waxaana xafladaas ka soo qeyb galeysa madax aad u badan oo ka kala timid daafaha caalamka oo ay Soomaali ku jirto.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenta kulamo uu la qaadan doono masuuliyiinta dalkaas oo uu ka mid yahay madaxwaynaha la caleema saarayo.

Labada Madaxwayne ayaa isla soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal oo muudo shan sanna ah uu xumaa xiligaas oo dalka uu maamulay Madaxwaynihii hore ee dalka Madaxwaynihii hore ee dalka.

Madaxwayne William Samoei Ruto ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa uu – kala hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin suuqa khaadka Kenya ee Soomaaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published.