Haddii lagu dhawaaqi lahaa in dalka macluul ay ka jirto maxaa dhici lahaa ?

Haddii lagu dhawaaqi lahaa in dalka macluul ay ka jirto maxaa dhici lahaa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaato ba’an ay ka jirto guud ahaan gobolada dalka loona baahan yahay in Hay’adahu gacan ay ka gaystaan dhibaatadaas taagan.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa duruufaha abaaraha dalka ka jira, muddo arrintaasi waa taagneyd, laakiin maanta deegaanada qaar in abaartii macaluul u gudubto ayey ku socotaa, laakiin waxaan wadnaa dedaal weyn ka hortagno in dalka macaluul ka dilaacdo ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynaha Jamhuuriyadda.”

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in gaajada ka dhalatey abaaraha iyo xoolaha dhamaadey aysan weli gaarin “Macaluul”.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka xaaladaha ka jira loogu gudbo karo in lala yimaado , qorshe lagaga hortagayo xaaladaha abaaraha ee taagan.

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya sheegay inta uu ku jiray shirjaraa’id oo uu kaga hadlayay xaalada dalka ka dib gaba- gabada shirka wada-tashiga Qaran ee muddada labada maalin ka socday Muqdisho.

Hay’adaha samafalka ayaa – galangal ugu jiray in muddo ahba in Dowladda Federaalka ay ku dhaawaqdo in abaarta ka jirta dalka ay isku bedeshay Macluul laakiin ma aysan ku guulaysan.

Haddii Madaxweynuhu ku dhawaaqi lahaa macaluusha waxaa gebi ahaanba istaagi lahaa barnaamijyada hormarineed, ee dalka, waxana loo jeesan lahaa keliya la dagaalanka macaluusha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.