Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Maxamed Cali Yuusuf, ayaa soo dhoweeyay heshiis nabadeed oo la sheegay inuu u dhexeeyo Maraykanka iyo Iran, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadda Bariga Dhexe iyo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida.
“heshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda wadahadalka iyo diblomaasiyadda. Waxa uu sidoo kale amaanay doorka dhinacyada kala duwan ee ka qayb qaatay, oo ay ku jiraan Maraykanka, iyo dadaallada dhexdhexaadinta ee Pakistan, Cumaan iyo Qatar” ayuu yiri guddoomiye Maxamed.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu taageero dadaallada nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.


Leave a Reply