Sacdiyo Bajaaj oo sheegtay in xabsiga lagu jirdilay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaa muddo ka badan 2 bil ah ku xiran Sacdiyo Macalin Cali ( Sacdiyo Bajaaj), oo kamid ah gabdhaha ku shaqeysta Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho.

Sacdiyo Bajaaj, ayaa dhowr mar kasoo muuqatay banaanbax ay dhigayeen dhallinyarada Moota Bajaajleyda, oo ay dowladda uga dalbanayeen in ganacsatada ay kula xisaabtanto qiimaha shidaalka ee kor u ka kacay, taasi oo keentay in Sacdiyo cabashada ay muujisay kaddib dowladda ay xabsiga dhigto.

Warbaahinta Raxanreeb, ayaa wareysi gaar ah oo la yeelatay Sacdiyo Bajaaj, weydiisay xaaladada ay ku sugtay iyo dhibaatada loogu geystay tan iyo inta la xiray..

Sacdiyo Bajaajta ayaa sheegtay in xabsiga dhex-diisa jirdil xun loogu geystay, isla markaana jugta madaxa ka soo gaartay  darted aysan indhaha si wanaagsan wax uga arki Karin. Waxa ay sheegtay in dowladda ay la wadaagtay in ay xanuunsaneyso balse aysan wax jawaab ah aysan ka heleynin.

Raxanreeb, ayaa weydiisay in xabsiga ay tacadiyo kala kulantay ?

Sacdiyo Bajaaj, ayaa sheegtay in wax fara-xumeyn ah aysan xabsiga kala kulmeen, marka laga reebo in jirdil xun oo qeybo kamid ah jirkeedsa saameyn ku yeeshay loo geystay.

Waxa ay xustay Sacdiyo Bajaaj in xabsiyadii kala duwnaa ee ay soo martay lagu jirdilay, taasina ay sabab u aheyd in ay warbaahinta la hadashay oo dhibka loo geystay cadeysay.

Sidoo kale Raxanreeb ayaa weydiisay in ay garaneyso magacyada saraakiisha jirdilka u geystay ?

Waxa ay sheegtay in ay ku labis-nayeen dareeska ciidanka Booliska, aysana magacyadooda aqoon, kaliya ay garaneyso wajiyadooda, waxa ay tilmaamtay in ay jirdil adag u geysteen markii ay soo qabanayeen sida ay hadalka u dhigtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.