Milateriga Isra’iil oo weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin UNIFIL & Qaraamda Midoobay oo cambaareysay.

Milateriga Isra’iil oo weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin UNIFIL & Qaraamda Midoobay oo cambaareysay.

Lubnaan (Raxaneeb online) – Millatariga Lubnana ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan.

Sidoo kale, Ciidanka Lubnan ayaan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah war milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday.

Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi.

Dhanka kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay “mid halis ah” waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado.

Faransiiska ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u jooga Paris, Talyaaniga iyo Spain ayaa weeraradaasi ku tilmaamay “mid aan qiil dayi karin”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israa’iil weydisan doono in aysan garaacin ciidamada UNIFIL. Ruushka ayaa sheegay in ay aad uga caroodeen,waxana ay ka dalbadeen Israa’iil in ay ka fogaato falalka cadawtinimo ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta.

UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.