Mucaaradka dowladda oo kulan xasaasi ah la yeeshay Odayaasha beelaha Hawiye

Muqdisho (Raxanreeb Online) Siyaasiinta Mucaaradka Dowladda Faderaalka, ayaa kulamo layeeshay Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

Odayaasha dhaqanka ayey u gudbiyeen xubnahan in la gaaray waqtigii dhabta looga hadli lahaa siyaasada iyo in aan dalka laga ogolaan karin doorashooyin hal dhinac ah, taas oo ay sheegeen in ay halis galinayso daganaanshaha dalka oo dhan & midnimada, In aysan aqbaleyn ayay sheegeen in xukunka hal dhinac uu qaato, horeyna Soomaaliya uga shaqeyn weyday.

Xubnaha ayaa sheegay in magac ahaan beeshooda ay kuqormayso talaabooyinka madaxweyne Xassan Sheikh qaadayo, ayna waajib tahay in la maro isla wadadii shalay la maray, taas oo ay sheegeen in Soomaalida oo dhan ka eegayso.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.