Mucaaradka oo shuruud adag hordhigay ka qeyb galka gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madasha sama-tabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideeysan yihiin xubnaha Mucaaradka dowladda qaarkood, ayaa soo dhoweeyay gogosha wadatashiga ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in ay qabsoomi doonto 15-ka Juun, 2025.

Bayaan kasoo baxay shir ay uga tashanayeen sidii laga yeeli lahaa baaqa madaxweynaha, ayaa waxa ay soo jeediyeen sidii loogu gudbo xalna looga gaaro hubinti la’aanta siyaasadeed, dhowr qodob.

  1. In gogasho ay noqoto mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafkaadka Siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horeeyaan dib u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee federaalka iyo dowlad goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtir lahaa kooxaha Argagixisada.
  • In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay kasoo qeyb galaan dhammaan madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
  • In la cadeeyo ajandaha iyo qodobada looga hadlayo gogosha.

Ugu dambeyn madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in ay u taagan yihiin samata-bixinta dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Shalayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay  shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay,  iyada oo shirkaasi lagu gorfeyn doono qodobo kala duwan oo muhiim ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.