Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Itoobiya Caaisha Maxamed, ayaa ka hadashay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, uu ku sheegay in Itoobiya ay soo iibsatay hub fara badan si ay u hesho Badda Cas.
“Xukuumadda Abiy Axmed, waxa ay lacag badan ku bixisay soo iibsashada hub waxa ay raadineyaan Badda Cas iyo faafinta qabyaaladda,” ayuu yiri madaxweynaha Ereteriya.
Geesta kale wasiirka Gaashandhigga Itoobiy Caaisha, ayaa been abuur ku sheegtay eeda madaxweynaha Ereteriya, balse waxa ay xaqiijisay in Itoobiya ay dhisatay ciidanka dhulka, cirka, badda oo awood u leh in ay meel kasto weerar ka fuliyaan.
Mudooyinkii u dambeeyay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa xumaaday kaddib markii Itoobiya ay shaacisay in ay si qasab ah ku dooneyso in marin biyood ganacsi ay ka hesho Badda Cas, taasi oo ay ka carootay Xukuumadda Asmra.
Leave a Reply