Mucaaradka oo xaqiijiyay inuu burburay shirkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka ( War-saxaafadeed)

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulan saacado badan qaatay kaddib Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa soo war-saxafadeed ka kooban dhowr qodobo oo ay ku faah faahiyeen waxyaabaha keenay fashilka kulamadii ay la qateen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in shacabka Soomaaliyeed uu ku war-gelinayo in wada-hadaladii ay kula jireen dowladda federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la,aan.

“Goluhu wuxuu waha-hadalka ku galay niyad wanaag iyo dalka loo turo xaalada adag ee uu ku jiro, sida abaaraha ba’an kala qeybsanaanta culeysyada dhaqaale iyo saameeynta iyo isbadalka nimaadka caalamiga ah iyo loolanka Juqraafi siyaasadeed ku yeelan karo dowlad dhiska iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri war-saxafadeedka kazoo baxay golaha.

Sidoo kale golaha ayaa soo jeediyay in la qabto doorashada maamulada Koonfur Galbeed, Hir-shabeelle iyo Galmudug.

Golaha ayaa soo jeediyay in ka hor 14 April oo ku eg mudada Baarlamaanka Soomaaliya la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo jadwalka iyo maamulka doorashada.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

Leave a Reply

Your email address will not be published.