Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah, oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, kaddib markii nin dhimirka la’ uu bireeyay waalidiintiisa oo ah, Hooyadiis iyo Abtigiis, isla hal-goob.
Eedeysanaha oo lagu magacaabaa Maxamed Xasan Cali (Dhiblaawe) kaas oo dil arxan darro ah, ka geystay degmada Dayniile, ee magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa la sheegay in uu maqalka la’yahay, islamarkaana uu gooracay hooyadiisa oo lagu magacaabo Muraayo Maxamuud Siyaad, oo da’da 55 sano jir ah, iyo Abtigiisa oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamuud Siyaad, isna da’da 80-meeyada ku jira.
Dhiblaawe, ayaa la sheegay in uu dhimirka la’aa islamarkaana dhagana la’yahay dilkana uu u adeegsaday toorreey taallay guriga iyagoo hurdana uu bireeyay waalidiintiisa marka uu dilayna Hooyadiis iyo Abtigiis, is garab dhigay meydkooda.
“Abtiga wuu bireeysnaa sidii neef cml lkn hooyada toorreey ayaa wadnaha ugu tiillay ninka dilka geeystay wuxuu ahaa nin dhimirka loogu jiro maqalkana la’ guriga garaacnay wax naga furo ayaan weeynay kadibna jiingadda ayaan jeexnay oo kasoo galnay” ayay tiri mid ka mid ah, dadka dariska.
“Waa musiibo deg deg ah, oo mowtu-fajac, ah, ayaa ka dhacday degmada Dayniile, waxaa ku dhimatay labo walaalo ah, oo lakala yiraahdo Miraayo iyo Yuusuf, dhammaan waxaan ugu tacsiyeynaa ehellada asxaabta Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri mid ka mid ah, dadka deegaanka.
Dhanka kale Booliska oo xalay arrintan warsaxaafadeed kooban kasoo saaray ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha isagoo jooga bartii uu ku dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.
Ciidamada Booliska Soomaaliya oo xalay howlgal lagu baadi goobayo eedeysanaha ka sameeyay degmada Dayniile, ayaa u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan eedeysane Dhiblaawe, oo dil arxan darro ah, u geeystay Hooyadiis iyo Abtigiis.
Warsaxaafadeedka Booliska Soomaaliya
Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe Ina Muraayo Muxumud oo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay hooyadiis iyo abtigiisa.
Labada marxuun ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariiso Marxuumad Muraayo Maxamud Siyaad oo 55 jir ah Iyo Marxuum Yuusuf Muxumud Siyaad oo 85 jir.
Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa caawo abaaro. 6:40pm fiidnimo gacanka ku dhgay eedeysanaha oo baxsad ahaa.
Waxaa la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu waalidkiis dilo.