Nairobi ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Kahawa Law Courts ee dalka Kenya ayaa nin lagu magacaabo Ibraahim Xuseen Xasan, ku xukuntay 115 sanno oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay toddobo dambi oo la xiriira argagixisanimo iyo xubinnimada kooxda Al-Shabaab.
Maxkamaddu waxay ninka ku heshay dambiga ah inuu xubin ka ahaa Al-Shabaab, oo Kenya u aqoonsan tahay Urur argagixiso. Sidoo kale waxaa lagu helay saddex dacwadood oo la xiriira ururinta xog loo adeegsan karo falal argagixiso iyo saddex kale oo ku saabsan haysashada waxyaabo lala xiriiriyay falal argagixiso.
Garsoore Gideon Kiage, ayaa sheegay in xeer-ilaalintu ay maxkamadda si macquul ah uga dhaadhicisay dhammaan eedihii loo haystay, iyadoo dacwaddu ku dhisnayd caddeymo ay soo bandhigeen 10 markhaati.
Kiiska ayaa salka ku haya xarigga Ibraahim Xasan oo dhacay 6-dii Sebtember 2022, xilli lagu qabtay deegaanka Eastleigh Section III ee magaalada Nairobi. Baaritaan lagu sameeyay taleefan Samsung ah oo laga helay ayaa lagu sheegay in laga helay saddex muqaal oo xagjirnimo ah, kuwaas oo sida maxkamaddu sheegtay loo adeegsan karay qorista, xagjiraynta iyo tababarka dhalinyarada.

Leave a Reply