Abu Dhabi (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa la sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku tegay caasimadda Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi, halkaas oo uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Sida Warbaahintu tebisay Natanyahu ayaa intii uu booqashada ku joogay Imaaraatka waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka iyo Madax kala duwan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xidhiidhkooda iyo xaaladdaha ka taagan Bariga Dhexe.
Labada dal weli midna faah faahin rasmi ah kama bixin Safarkan.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku Soo beegmaya xilli uu Dalka Imaaraatka ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka Soo noqday socdaalkiisii Dalka Mareykanka.

Leave a Reply