Baydhabo (Raxanreeb Online) Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu halkaas saaka waaberigii uu ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidanka Lafta Gareen dacaadda u ah oo gudaha u soo galay magaalada Baydhabo iyo ciidanka kale ee dawladda Soomaaliya.
Dagaalka oo saacado socday waxa laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo xataa ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone oo dagaalkan ka qayb qaatay. Ciidanka Lafta Gareen ayaa ku guulaystay in ay ka dhex dagaallamaan gudaha Baydhaba iyaga oo duullaan ka soo qaaday bannaanka magaalada oo ay ku lee yihiin fadhiisimo ciidan.
Afhayeenka maamuulka Koonfur Galbeed ayaa saxaafadda u sheegay in ay dib u riixeen kooxaha saaka soo galay Baydhabo kuwaas oo uu ku eedeeyey in ay ahaayeen argagaxiso.
Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay sida dhimashada, dhaawac iyo bur burka soo gaadhey dhulkii ay degganaayeen rayidka ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply