Muxuu yahay safarka Xasan Sheekh ?

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo Shir-Madaxeedka Waddamada Ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waana meertada 14aad.

Sida ay Mustaqbal kasoo xigatay ilo ku dhow Shirka, waxa ay Madaxdu diiradda saarayaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Jamhuuriyadda Suudaan, taageerista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka & qodobo kale.

Shirkaan ayaa furmaya Isniinta 12ka June 2023 balse Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo doceedyo uu lasii qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale IGAD ku midoobay.

Madaxda ayaa hadal jeedintooda diiradda ku saari doonta sida ku habboon ee lagu wajihi karo xalka Suudaan si loo damiyo colaadda ka taagan tan iyo bartimihii April 2023 sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer waxa uu ka hadlay xaaladda Suudaan isaga oo ugu baaqay dhinacyada is haya in arrimaha ka dhaxeeya ku dhammeystaan xal aan xabbad ahayn.