MW ku-xigeenka Hir-shabeelle Dabageed iyo mas’uuliyiin kale oo ku baxay dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi ( Raxanreeb Online) Waxaa sii kordhaya baaqyada laga soo saarayo in la joojiyo dagaal beeleedka u dhaxeeya labada maleeshiyo hubeysan ee maalintii afaraad ka soconaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeele Yuusuf dabageed oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada metela beelaha dagaalamaya ayaa gaaray Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo diyaarad Helikobtar ( diyaarada qumaatiga u kacda) ku tagay degmada Jalalaqsi, ayaa la filaya inay bilaaban sidii wax looga qaban lahaa, colaada dhiiga badan ku daadanayo ee ka socda degmada Jalalaqsi.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee dagaalka uu geystay, maadama xaalada ay tahay mid aad u kacsan oo dhinacyadu isku adeegsanayaan hub culus.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala socon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.