Muqdisho (Raxanreeb Online) Sida ay inoo shegeen ilo wareedyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la tilmaamay in wakiilada Beesha caalamka u sheegay in uu doonayo in markale ay is horfariistaan mucaaradka, ayna ka doodaan ajendaha la xariira doorashooyinka Faderaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in farriintan uu la wadaagay 2 kamid ah safiirada Reer galbeedka iyo Midowga Yurub, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay in dhinacyadu is faham garaan, wuxuuna ku adkeystay in mudo xileedkiisa uu ku e’eg yahay May 2027-ka, ayna hadda isku diyaarinayaan qabashada qof iyo cod doorasho ah, taas oo ah mid aan heshiis siyaasaded haysan.
Geesta kale mucaaradka ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wada hadal waqti dhumis ah, iyagoo sheegay in Soomaaliya maanta 2 qodob looga baahan yahay, in Madaxweynuhu aqbalo in uu dhamaaday mudo xileedkisii, uuna shaaciyo in dowladdu tahay mid xil-gaarsiin ah oo kala guur gashay, si lamid ah waqtigisii 2016-kii iyo In laga heshiiyo hanaanka doorashooyin laysku raacsan yahay dalka uga dhici lahayd.
Sikastaba wakiilada beesha caalamka ayaa wali kuhowlan in ay isku jiid-jiidana darafyada, iyagoo shalay la kulmay xubnaha Mucaaradka, ka dibna waxay tagi doonaan magaalada Garoowe, iyagoo qorshuhu yahay in ay dhinac kasta tiisa gaar u darsaan.

Leave a Reply