Boosaaso (Raxanreeb Online) Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa saakay lagu dilay Yuusuf Bootaan Ciise, oo horay u soo noqday Xildhibaan iyo wasiir ku-xigeen katirsanaa Puntland.
Dilka ayaa la tilmaamay inuu geystay wiil uu dhalay marxuumka, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan, madaxna looga jiray.
Wiilka ayaa la sheegay inuu dilka Aabihiis u adeegsaday Toorrey oo uu dhowr jeer ku dhuftay , waxaana falka uu dhacay xaafada Masjidka Al-aqsa.
Geesta kale dilka kaddib laamaha amniga Boosaaso oo goobta tagay, ayaa gacanta kusoo dhigay wiilka dilka geystay, waxaana soconaya baaritaano la xiriira dhacdadaani.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply