Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa sheegay inay dileen 6 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo shacabka baaq ka qaadi jiray.
NISA, oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ayaa howlgalkan ka fulisay deegaanka Buq Aqable, ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 6 horjooge.
Lixda horjooge ayaa lala eegtay weerarka xilli ay kasoo baxeen deegaanka Buq-aqable, iyagoo ku safrayay labo gaari sida ay sheegtay NISA.
“Howl-galkaan ayaa lagu guulaystay in lagu soo afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay, kuwaasi oo muddo dheer ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah re ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”
Lixda horjooge ee la dilay ayaa waxay kala yihiin;
- Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa Al-Shabaab degmada Jalalaqsi.
- Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
- Maxamed Abuukar oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.
- Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
- Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Shabaab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.
- Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qeybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha shacabka ee Al-Shabaab.
Hay’adda NISA, oo soo saartay qoraalkan kooban ayaa ku baahisay Barteeda X ex Twitter, halkaas oo inta badan howlgallada ay fuliyaan soo galiyaan.
NISA, ayaa shalay shaacisay in 20 koox oo shacabka ka qal qalin jiray baraha Internet-ka in ay bur burisay dhammaantood.
Hay’adda NISA, ayaa soo saartay bayaan ayaa ku sheegtay in ay xannibeen ku dhowaad 2500 oo lambar ah, kuwaas oo laga xannibay baraha Internet sida Telegram, WhatsApp, sidoo kalena laga mamnuucay adeegyada ku hadalka ee loo yaqaano OTT.