Aadan Yabaal ( Raxanreeb Online) War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhacay gobolka shabeellaha Dhexe, oo lagu dilay sarkaal katirsanaa kooxda Al-shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA, oo kaashanaya saaxiibada caalamka duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bacad ay ku dilee horjooge lagu macaabi jiray Yuusuf Dhegnaas, iyo 20 dagaalame oo katirsan Shabaab.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in horjoogaha la dilay uu kooxda u qaabilsanaa cabsi gelinta iyo lacag uruurinta dadka masaakiinta ah.

Leave a Reply