Puntland oo la wareegtay xeradii ciidamada PSF ee Boosaaso

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Puntland ayaa saakay la wareegtay xerada ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Booliska Puntland.

Xeradan oo uu heystay sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cismaan Diyaano, ayaa la sheegay inuu ogolaaday in uu ciidanka Booliska Puntland ku wareejiyo.

“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Booliska Puntland.

Geesta kale ciidamo katirsan PSF oo watay ilaa 10 gaari, isla markaana maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Qandho, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay xalay adeen dhanka maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Sidoo kale horay waxaa dhanka Galmudug u aaday ciidamo katirsan PSF oo ay ku jiraan saraakiishi sare ee ciidamadaas, kuwaasi oo hadda ku sugan xarunta ciidamada Danab ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.