Puntland oo labo sanno oo xabsi ku xukuntay Nin lagu eedeeyay inuu Ari ka iibiyay…

Garoowe ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa xukun laba sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Barkhad Faarax Yaasiin Yuusuf, kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta taageeridda kooxda Daacish.

Barkhad ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda Daacish ka iibiyay 10 neef oo Ari ah, iyadoo dacwadda lagu sheegay in xoolahaasi ay kooxda ka heshay isaga.

Maxkamaddu waxay dhageysatay eedeymaha loo soo jeediyay Barkhad iyo caddeymaha la xiriira kiiska, kaddibna waxay go’aamisay xukunka laba sano oo xabsi ciidan ah.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay adkeeyay tallaabooyinka lagu wajahayo cid kasta oo lagu tuhmo inay taageero, sahay ama adeegyo kale siiso kooxaha hubeysan.

Xukunka maxkamadda ayaa ka dhigan in Barkhad uu qaadan doono xabsi ciidan oo muddo laba sano ah.

Kiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay waddo howlgallo iyo tallaabooyin amni oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan qaybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.