Booliska gobolka Banaadir oo sheegay in si qasab looga soo furto Isbitaal xoog ku heysto Haweeney wajaheysay xaalad caafimaad darro

Booliska gobolka Banaadir oo sheegay in si qasab looga soo furto Isbitaal xoog ku heysto Haweeney wajaheysay xaalad caafimaad darro

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dhacdo ka dhacday mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya ciidamo Booliis ah oo hubeysan oo gudaha u galay isbitaalka.

Booliska oo faah faahin ka bixinayay sababta keentay diida ayaa ku sheegay in Hooyo lagu qalay Cunug, ay awoodi weysay inay bixiso lacagta qaliinka, madaama ay kasoo jeeday Qoys danyar ah.

“Zamzam ayaa 19/09/2026 tagtay isbitaalka, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo 20/09/2026 ay dhashay wiil, Qoyskeeda oo danyar ah ayaa awoodi waayay inay bixiyaan kharashaadka caafimaad iyo jiifka, taas oo sababtay in maamulka isbitaalku dacwad ka gudbiyo aabbaha ilmaha, lana xiro” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale taliska booliiska ayaa sheegay in xeer ilaalinta ku amartay maamulka isbitaalka, inuu fasaxo hooyada iyo ilmaha, Hase yeeshee, maamulka isbitaalka ay diideen kuna adkaystay in aan la sii deyn doonin illaa laga bixiyo lacagta lagu leeyahay, iyadoo kharashka jiifkooduna uu weli socdo.

Waxa uu xusay booliska in Hooyada ay wajahaysay xaalad caafimaad oo la xiriirta daryeel-xumo, isla markaana Xeer-ilaalintuna ay amartay in Booliisku si degdeg ah u soo badbaadiyaan hooyada, iyada oo aabbahana uu weli u xiran yahay maamulka isbitaalka.

Booliska oo difaacayay tallaabada ciidamada ay gudaha ugu galeen ayaa yiri “Markii ciidanku u tageen fulinta amarka, waxaa dhacay is-mariwaa iyo rabshad dhex martay ciidanka iyo maamulka isbitaalka, iyadoo ay timid amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taas oo keentay in ciidamadu hubkooda gudaha isbitaalka la galaan Si ay u badbaadiyaan hooyada oo ku jirtay xaalad daryeel-xumo ah, isla markaana go’doon ku noqotay Gudaha isbitaalka oo aan wax cunto ah cunin dhowr maalmood”.

Ugu dambeyn taliska booliska ayaa sheegay inuu caddeynayo in aan la oggolayn in goob dadweyne hub lala galo, sidoo kalana dhacdadana ay hadda ku socoto baaris, waxa ayna tilmaameen in sharciga la waafajin doonaa, maxkamaddana la horgayn doonaa maamulka isbitaalka oo ku kacay fal aad u fool xun, iyo cid kasta oo lagu helo fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.