Garoowe (Raxanreeb Online) Golaha wasiiradda Puntland oo maanta kulankoodi todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe، uuna shir guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada maamulka Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada, ayaa lagu amray in lagu gabi ahaanba lagu mamnuucay Khamaarka Internet-ka ee loo yaqaan 1xBet.
War-saxaafadeedka ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta, in deegaannada Puntland si dhameystiran looga mamnuucay adeegyada 1xBet ee laga isticmaalo deegaannada Puntland.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo deegaannada Puntland, laga mamnuuco adeegada Khamaarka ee 1xBet, iyada 23-kii bishii November 2024, sidaan oo kale amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland, looga mamnuucay, balse haba yaraatee uusan dhaqan galin amarkaas.

Leave a Reply