Puntland oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso ciidanka ku dhawaaqay in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxda maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegay in qorshaha ay dowladda federaalka ciidamo ugu dhistay deegaanada Puntland ay tahay mid khalad ah kana hortagi doonaan.

Hadalkan waxaa sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax, ayaa tilmaamay in ay la socdaan ciidamada lasoo bandhigay ee sheegay in ay kazoo jeedaan deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in ciidan ka madax banana kuwa Puntland in ay joogaan deegaanadooda, isla markaana waxa uu xusay in ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah ciidankaas.

“Puntland labo ciidan ma wada joogi karaan, mana ka dhex-sameys mi karaan, ciidanka Puntland iyo kuwa cadowga ee Daacish, waxa u dhaxeeya ma jiraan, waxaana xiliga loo baahdo aan qaadi doonaa tallaabo” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Dujaana.

Sikastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamo iyo saraakiil ay kasoo muuqdeen warbaahinta kuwaasi oo sheegay in la shaqeyaan dowladda federaalka, isla markaana ay ku sugan yihiin Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.