Hargeysa ( Raxanreeb Online) Sida wararka ay sheegayaan madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa la filaya in maalmaha soo socda uu u safro magaalada Talaabiib ee caasimada Israa’iil.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in sababta uu Cirro, u tagayo Israa’iil in ay tahay ka qey-galkan furitaanka safaaradda Somaliland ay ku yeelaneyso magaalada la heysto ee Qudus.
Ilo wareedyo ka agdhaw xafiiska madaxweyne Cirro, ayaa ku waramay in madaxweynaha inta inta uu ku sugan yahay magaalada Talaabiib, uu kulan la qaadan doonto madaxda ugu sareeysay maamulka gumeeystaha Israa’iil.
Kulamada labada dhinac ayaa inta badan waxa ay uga hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka cusub ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Safarka madaxweynaha Jamhuuriyada iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la filaya in lagu gaaro heshiisyo cusub, kuwaasi oo intooda badan ku saleysan sidii Israa’iil ay Somaliland ugu taageeri laheyd dhaqaalaha iyo tababarada ciidamada.
Sikastaba, 26 December ee sannadkii 2025-kii ayey aheyd markii uu Ra’iisul wasaare Natanyahu uu khadka telefoonka ku aqoonsaday Somaliland in ay tahay dal madaxbanaan oo ay aqoonsadeen.

Leave a Reply