Puntland oo xabsiga dhigtay askar ka cabaneysay mushaar la’aan

Garoowe ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland, ayaa ku waramaya in Puntland ay xirtay in ka badan 20 askari oo maalmo ka hor sameeyey gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan.

Qoraal kazoo baxay laamaha amniga ee gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in sababta loo xiray 20-ka askari ay tahay in ay qalqal amni darro geliyeen magaalada Garoowe, isla markaana ay ku kaceen falal wax u dhimanaya amniga guud ee caasimada Puntland.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa sheegay in Askartan dhawaan Maxkamad la horeyn doono, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Waa markii u horreysey oo xukuumadda Puntland ay ka tallaabo qaaddo ciidamada oo badanaa la arko in marka ay mushahar waayaan jidadka xiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.